Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Serbia, Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed, ayaa maanta kulan la yeeshay Nikola Stojanović, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Serbia.
Kulankan oo Danjire Maxamed uu ku wehliyay Ku-xigeenkiisa, Ismail Adan, ayaa xoogga lagu saaray sii socoshada xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya Serbia iyo Soomaaliya.
Waxaa ay ka wada hadleen u diyaargarowga labada dal ee dhanka iskaashiga iyo is-weydaarsiga gacansiga iyo khibradda Siyaasadda.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla gartay muhuumadda fursadaha tabbabar ee la siinayo Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka ee sanadka soo aadan iyo sidoo kale ardayda Waxbarashada minxadda ah ku imaan doona dalka Serbia.
Wasiir Stojanović ayaa uga mahadceliyey Soomaaliya sida ay uga go’an tahay garab istaaga madax banaanida iyo taageerida siyaasad ku dhisan ay siiso dalka Serbia.
Ugu dambeyn, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay sii wadida iyo wanaajinta iskaashiga dhinacyada danta guud.